Aslim Community – waa madal loogu talagalay inaad ku fahanto waxa ay nafsaddu tahay, kaga dhaqeysid dhimaalada ay xambaarsan tahay, sidoo kalena aad dib ugu celineyso Fitradii asalka ahayd ee Eebbe ku abuuray.
Halkani ma ahan keliya meel aad casharro ku qaadaneyso, hayeeshee waa madal wixii aad dhageystay, dhuuxday, durba ku dhaqmeyso, dheeftiisana aad arkeyso. Intaa waxaa kuu dheer taageero aan dhammaad laheyd oo xubnaha madasha dhexdooda isa siinayaan.
Fadlan isbar xubnaha kale adigoo nala wadaagaya:
- Magacaaga iyo meesha aad nagaga soo biirtay
- Maxaa kugu dhiirogeliyay inaad kusoo biirto Aslim Community?
- Waa maxay hal dhinac oo noloshaada ka mid ah oo aad rajeyneyso inaad ku hagaajiso safarkan.
La wadaag oo keliya wixii aad ku qanacsan tahay.
Muhiim ma aha inaad sheegto waayo-aragnimo kuu gaar ah ama xog kuu khaas ah.
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaad qayb ka tahay xubnaha Aslim Community🙂.